Somaliland oo ka hadashay Booqashada Hargaysa Ee Wasiir Axmed Shide.

Published: February 22, 2020

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay wafti uu hogaaminayo wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo arinkaas ka hadlay ayaa sheegay in booqashada waftigga Itoobiya aysan la xiriirin wararka sheegaya in loo gogol xaarayo Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

“Wafdiga wasiirka maaliyadda Itoobiya waxa uu ahaa mid salka ku haya xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.”ayuu yiri Wasiir Saleebaan, Sidoo kale waxa uu tilmaamey in mowqifka Somaliland ee la xiriira imaanshaha Soomaaliya uu yahya mid cad.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *