Xisbiyada Mucaaradka Somaliland: Muuse Biixi waxa uu noqdey keligii-taliye

Published: February 22, 2020

Labada xisbi qaran ee mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo Waddani ayaa soo saarey go’aamadii abid ugu adkaa ee ay soo saaraan, waxayna ku baaqeen in Madaxweynaha Somaliland u xuub-siibtey keligii talis sidaas darteed loo baahan yahay in la qabto doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyey, dalkana laga badbaadiyo keligii taliyahaas.

Muuse Biixi waxa uu u xuubsiibtey keligii teliye, waxaana uu cagta saarey waddadii horey loo eeday ee qayrkiis iyo Jeneraaladii dhagarta caanka ku ahaa ay qaadeen, waxa muuqata in uu bur-buriyey dimoqraadiyaddii curdinka ahayd ee la korinaayey, isla markaana tacab badan shacabkan ka galay, waxa muuqata in uu mija xaabiyey qaranimadii iyo midnamdii Somaliland oo maanta jaah-wareer ku jirta, waxaa muuqata in uu xintan iyo xifaaltan ka dhigay maamulkii dalka loo igmadey, isla markaana si badheedh ah iyo ku tumasho ah u jebiyey dastuurkii dalkan lahaa

Cabdiraxmaan Maxameed Cabdullaahi
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeeyey Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland in uu bur-buriyey hay’adii sharciga ee dalku lahaa ee Goloyaasha Baarlamaanada.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa yiri.

Waxaan cidna caad ka saarneyn in hay’adihii iyo aqaladii Aqalka Qaranka ee u taagnaa ilaalinta sharciga uu xidada u siibey oo ay noqdeen Seylad Muuse Biixi ka adeegto.

Cabdiraxmaan Cirro

Ugu danbeyntii Xisbiyada mucaaradka ayaa ku dhawaaqey in la qabto Doorashada Madaxweynaha, tan Baarlamaanka iyo tan goloyaasha deegaanka isla sanadkan oo wax intaas ka yar aysan yeeleyn.

Labada xisbi qaran waxa ay xalka iyo badbaadinta Somaliland ee marxaladaan aan maanta ku jirno u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeeda laga soo hormariyo ka qabsoomto dalka sanadkan gudihiisa 2020, maadaama muuse ku fashilmay hogaaminta dalka

Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Khilaafka u dhexeeya Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada ayaa salka ku haya qabashada doorashooyinka Baarlamaanka ee ay ahayd in sanadkan la qabto, waxaana la isku khilaafey dhismaha guddiga doorashooyinka oo xubinta u noqotey guddoomiyaha oo uu magacaabey Madaxweyne Biixi uu ahaa xubin aan dhex-dhexaad ahayn Xisbiyaduna diideen, kadib waxaa dhex galay guddi madax-banaan oodhinac kasta garta u dhiibtey, waxaana go’aankoodi u hoggaansamey Xisbiyada mucaaradka ah laakiin waxaa diidey Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo ka dabaakhaya muranka labada Xisbi mucaarad u dhexeeya ayaa sheegay in uu oggolaanayo in Xisbiyo cusub la samaysto, doorashooyinka goloyaasha deegaankana la soo hormarinaayo, si uu meesha uga saaro labada xisbi ee hadda muranku kala dhexeeyo. Furidda nidaamka Xibiyada ee Somaliland ayaa xeerku qeexaya in 10 sanoba hal mar oo keliya la furo, waxaana markii u danbeysey ee la furey ahayd 2012.

Siyaasadda Somaliland ee arrimaha dibadda ayaa labadii sano ee u danbeysey ahayd mid fadhiid ah, waxa taas ku darsamey in siyaasadda guduhu ay ahayd mid buuq iyo jaahwareer ka taagnaa iyada oo gaartey in gudaha Somaliland laga sameeyo jamhado hubeysan.

Sanadkii 1991 ayey ahayd markii hoggaamiyaashii jamhaddii SNM, iyo waxgaradkii kale ee gobolada Waqooyi ay ku dhawaaqeen in ay ka goosteen Soomaaliya, uguna wanqaleen magaca Somaliland, tan iyo xiligaas ma jirto hal dal oo caalamka ka tirsan oo aqoonsadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *