Duqayn Ka Dhacday Saakow oo Lagu Dilay Madax Sare oo Alshabaab ah

Published: February 23, 2020

Warsaxafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Maraykanku ay duqeyn ka gaysteen magaalada Saakow ee dhacda gobolka Jabbuda Dhexe ee Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa lagu dilay labo ka mid ah madaxda sare ee Al-shabaab halka mid kale na lagu dhaawacay iyada oo lagu baabi’iyey xero ciidan oo ay Al-shabaab halkaa ku lahayd.

“DFS iyo Ciidamada Dowladda Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo ay uga hortagayaan waxyeellada shacabka marka lala dirirayo argagaxisada Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedayn walba oo soo baxda. Duqeyntan iyada ah ma jirto cid shacab ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey” Sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeedka dowladda Federaalka

Duqeyntan waa mid ahmiyad leh maxaa yeelay waxay na tusinaysaa in haweenku ka mid noqon karaan Al-shabaab. Haweenku kuwooda ka shaqeeya shabakadda Amniyaatka ama u fududeeya adeegyada kale waa Al-shabaab.

Dowladda Federaalku waxay ku eedaysay ururka Alshabaab inay Dumarka ku dirqiyaan inay ku biiraan Al-shabaab iyada oo la cabsigelinayo ama xoog loo sheeganayo si ay u xambaaraan afkaarta gurracan ee Al-shabaab, sida lagu sheegay war-saxafadeedka

warsaxafadeedkeeda waxaa kaloo dowladda federaalku ku sheegtay in ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Danab ee ku sugan magaalada Sabiid, ayna diyaar u yihiin meelmarinayaan caddaalad marinta kuwa dabandaabyada iyo argagaxa ku haya dadka Soomaaliyeed

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *