Xildhibaan Ismail “Haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa”

Published: February 23, 2020

Ismaaciil Maxamed WarsameGuddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland ayaa ka hadlay arimaha la xiriira cid noqon lahayd Sii haya Madaxweynaha hadii dalka ay ka maqan-yihiin Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Ismaaciil ‘Hab-maamuus ku ciyaarid’ ku tilmaamay in marka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay maqan yihiin ay xilka ku-sime ka noqdaan wasiiradu.

“Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuud ku ciyaarid” ayuu yidhi xildhibaan Ismaaciil.

Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkisii Karaash ayaa dalka dibaddiisa ku maqan waxaana hadda Puntland ku-sime madaxweyne ka ah Wasiirka Cadaaladda, Cawil Sh.Xaamud.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *