Barlamaanka Oo war kasoo saaray cidda ah ku simaha Madaxweynaha Puntland.

Published: February 24, 2020

Golaha Wakiilada Puntland gaar ahaan gudigga joogtada ah ayaa saaka ka shiray arin maalmihii danbe dhalisay khilaaf u dhaxeeya golaha fulinta iyo kuwa sharci-dejinta Puntlans kaas oo la xiriiray cida ah ku simaha madaxweynaha Puntland maadaama ay dalkii ka maqan-yihiin Madaxweynihii, kuxigeenkii iyo gudoomiyihii baarlamaanka.

Gudigga joogtada ha yaa soo saaray shirkooda saaka kasoo saaray go’aanadaan hoos ku qoran:-

1. In Hannaanka Dawladda Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mudanayaal wa dadaasheen waase la daahdeen!
    Maxa lagu simaa ama laga sugaa waba kan oo Madaxweyne Deni soo degye👍