Madaxweynaha Jubaland oo gaaray Degmada Dhoobley.

Published: February 24, 2020

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe oo safar cirka ah ku tagay Dhoobley, waxaa halkaas kusoo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan sarakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta ciidamada Darawiishta Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay in uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka degaanka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *