Ra’isul Wasaare Mahaatir Mohamed oo Iscasilay

Published: February 24, 2020

Mahaatir Maxamed, Ra’isul wasaaraha Malaysia ayaa warqad uu isku casilayo wuxuu u gudbiyay boqorka dalkaasi.Mahaatir oo 94 Jir ah ayaa sidoo kale iska casilay xisbiga Bersatu oo uu guddoomiye ka ahaa.

iscasilaada Mahaatir Maxamed ayaa imaanaysa iyadoo maalmahan aad loo hadal hayay inuu doonayo inuu sameeyo isbahaysi cusub oo uusan ka mid ahayn ninka la filayay inuu bedelo ee Anwar Ibraahiim.

Anwar Ibraahim ayaa shalay ku eedeeyay Mahaatir iyo xisbigiisa inay khaa’imiin yihiin oo ay doonayaan inay soo dhisaan xukuumada uusan isagu ku jirin.

Ma cada cida bedeli doonto Ra’isul wasaaraha iyo in la qaban doono doorasho cusub.

Mahaatir Maxamed oo weli la aamisan yahay inuu saamayn weyn ku leeyahay siyaasada wadanka Malaysia, waxaa uu Ra’isul wasaare ka soo noqday Wadankaasi Sanadihii 1981 ilaa 2003, isagoo mar kale dib ugu soo laabtay Siyaasada 2 Sanno ka hor xiligaas oo uu ku biiray xisbiyada mucaraadka, xukunka ka tuuray ninkii isaga bedelay Najib oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq iyo maamul xumo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *