Sarkaal Alshabaab ah oo Ku Dhintay Duqayn ka Dhacday Degmada Jilib

Published: February 24, 2020

Galabta 24-ka Feberaayo 2020, ayaa ciidanka Mareykanka ee AFRICOM waxay duqeyn cirka ah ku qaadeen fariisimaha ururka Al-Shabaab ee degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarkan oo qorsheysnaa ayaa lagu dilay mid ka mid ah xagjiriinta Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykan ee AFRICOM ayaa qaadaya taxadar dheeri ah oo lagu ilaalinayo waxyeello soogaarta shacabka inta lagu jiro la dagaallanka kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab,  iyada oo si buuxda loo baarayo eed walba oo soo baxda” ayaa lagu yiri warbixin Africom ka soo saartay duqayntaas

Ilaa hadda ma jirto cid shacab ah oo ku dhaawacantay ama ku dhimatay sida lagu sheegay warbixinta Africom

“Duqeyntan ayaa ah mid garab lagu siinayo dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaliya ee ay uga takhalusayso gaboodfallada Al-Shabaab, islamarkaana loo-gogol xaarayo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka Africom

Duqeyntan ayaa ah tii saddexaad ee maraykanku qaado 48 saac ee la soo dhaafay. iyadoo duqaymihii hore uu Maraykanku sheegay inay ku dileen Lab xubnood ka tirsan Alshabaab, halka tiro kalena lagu dhaawacay

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *