Trump Oo Booqasho Ku Tegay Hindiya

Published: February 24, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay wadanka Hindiya halkaasi oo boqolaal kun oo qof ay ku soo dhaweeyeen.

Trump waxaa garoonka diyaaradaha ee gobolka Gujarad kusoo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi. Labada Hoggaamiyo ayaa kulankooduu diirada lagu saari doonaa arrimaha ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Trump iyo Modi ayaa khudbad u jeedin doono Boqolaal kun oo qof oo isugu soo baxay garoonka Motera ee lagu ciyaaro ciyaarta cricket.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *