WHO oo Digniin Cusub Ka Soo Saartay Faafitaanka Coronovirus ee Adduunka

Published: February 24, 2020

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Caalamku u diyaar garoobo suurtagalnimada in cudurka Coronovirus uu dalal badan ku faafo oo faraha ka baxo.

WHO waxay sheegtay in weli ay goor hore tahay in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah adduunka oo dhan balse loo baahan yahay in la sii diyaargaroobo

CoronaVirus ayaa kusii faafaya waddamamada Bariga dhexe, waxaana kiisas cusub lagu arkay wadamada Iiraan, Kuwaite, Ciraaq iyo Baxrayn.

Magaalada Qom ee Dalka Iiraan ayaa tirada dadka u dhintay Cudurka Coronavirus waxaa ay gaadhay ilaa 50 qof sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan barlamaanka dalkaasi.

Dalka Talyaaniga ayaa tirada dadka uu ku dhacay cudurku waxay gaaraysa ilaa 200 qof. Guud ahaan dalka shiinaha oo ahayd meeshii uu ka dilaacay cudurka waxaa tirada dadka dhintay ay gaaraysaa 2600 qof, halka dadka uu ku dhacay ayaa gaadhay Toddobaadakan iyo todobo kun oo qof (77,000)

Ilaa 1,200 kun oo kiis oo Coronovirus ayaa 30 wadan oo caalamka ku yaal la xaqiijiyay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *