Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak oo geeriyoodey

Published: February 25, 2020

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak ayaa geeriyoodey isaga oo 91 sano jir ah sida uu ku waramey Telefishanka Dowladda Masar.

Xusni Mabarak ayaa xukumey dalka Masar muddo 30 sano ah, waxaa xilka looga qaadey kacdoon dad weyne oo askartu taageertey markii danbe bishii Feberaayo sanadkii 2011.

Sanadkii 2012 waxaa lagu xukumey xabsi daa’in, kadib markii lagu eedeeyey dad ka badan 200 qof oo kamid ahaa banaan-baxayaashii ka horyimid, Maxkmadda sare ayaa denbiyadaas oo dhan ka dulqaadey waxaana uu dib u helay xoroyadiisi.

Maxkmad kale ayaa sanadkii 2016 ku xukuntey isaga iyo labadiisa wiil musuqmaasuq.

Mubaarak ayaa xabsiga ka baxay sanadkii 2017 kadib markii loo arkey in xabsigiisi uu ku qaatey mudadii uu ku jirey isbitaalka Milteriga, sidoo kale wiilashiisa Calaa Mubaarak iyo Jamaal Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayey.

Madaxweynihii ku yimid kacdoonkii xilka looga tuurey Maxamed Mursi waxaa lagu xukumey dil waxaana uu ku dhex geeriyooday Maxakmad gudaheed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Saxa oraahdiina maxamed mursi laguma fulin xukun dil ah waase lagu xukumay. Wuxuuna ku dhintay maxkamad dhexdeed sida ay sheegeen Heart attack.