Maraykanka oo ka hadley doorashooyinka Soomaaliya, ciidamada Gedo la geeyey iyo arrimo xasaasi ah

Published: February 25, 2020
Rodney Hunter/ Political Coordinator U.S. Mission to the United Nations

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maalintii shalay ee Isniinta kulan ka yeshay xaaladda Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qaybgalay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, waxaana uu warbixin ka siiyey xubnaha Golaha Amaanka xaaladda Soomaaliya.

Rodney Hunter isduwaha arrimaha siyaasadda ee Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa khudbad si toos ah u taabanaysa siyaasadda iyo xaaladda Soomaaliya ka jeediyey fadhiga.

Rodney ayaa ugu horreyn sheegay in sanadkan 2020 uu yahay sanad aad xasaasi u ah iyada oo Soomaaliya raadineyso koboc dhaqaale iyo ballan qaadka deyn cafinta, sidoo kale waxay Soomaaliya ku naalooneysaa nabad, doorasho xalaal ah, iyo ciidamada Soomaaliya oo amniga kala wareega AMISOM ayuu yiri Rodney Hunter.

Ergayga Maraykanka Roger Hunter ayaa ugu horeyn ka hadley doorashooyinka qorsheysan sanadkan iyo bilowga 2021, sidoo kale waxa uu tilmaamey caqabadaha badan ee doorashooyinkii dowald goboleedyada, iyada oo musharixiinta qaarkood ku amaaney in ay ka fogaadeen rabshadaha.

Marka la eego doorashooyinka la qorsheeyay sannadkan, waxaan fahansanahay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag, geediga ay ku gaareyso dimuqraadiyadda, iyadoo doorashadii hore ay calaamad u ahayd kaqeybgal xadidan, hab qaybsiga qabiilka, musuqmaasuqa, iyo hanjabaadaha. Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa lahaa cillado badan, laakiin waxaan taageeraynaa oo dhiirigelineynaa in musharixiin badan ay ka fogaadeen rabshadaha ayna muujiyeen ka go’naanta nabadda, geedi socodka dib-u-heshiisiinta.

Roger Hunter

Roger hunter ayaa si toos ah ugu duqeeyey Dowladda Federaalku in ay waddo marmarsiinyo doorashada dib loogu dhigo taas oo ah wax aan la aqbali karin.

Waxaan ka wel-welsanhay in qaababka doorasho ee 2020 iyo 2021 ay tahay mid aan weli u gudbin wax shaqeyn kara waxaa dhici karta in meesha ka saaraan qaybo bulshada muhim u ah, ama waxay keeni karaan mar-marsiinyo lagu daahiyo doorashada oo dib u dhac lagu sameeyo.

ayuu yiri Roger Hunter.

Maraykanka ayaa u jeediyey baaq Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waxaana ay ka dalbadeen in ay ka wada shaqeeyaan doorashooyinka, sidii loogu heshiin lahaa hannaan doorasho oo ku habboon dalka.

Waxaan ka codsaneynaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah inay iska kaashadaan sidii doorashada loo hanan lahaa sanadkaan isla markaana loogu heshiin lahaa hannaan wax ku ool ah, nabadgelyo u dhacda, waqtiga ku habboon, loo dhan yahay, oo la isku halleyn karo.

Roger Hunter

Hadalkan ayaa hoosta ka xariiqaya in Maraykanku doonayo in doorashadu noqoto mid dan-wadaagta ay ka dhexeyso oo dhan ay kawada hadlaan ee aysan noqon mid cid gaar ah wadato, sidoo kale waxaa muuqata in Maraykanku fahamsan yahay qaababka Dowladda hadda jirtaa ay dooneyso in ay doorashada dib ugu dhigto.

CIIDAMADA GOBOLKA GEDO

Rodney Hunter ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo qaatey in la dagaalanka al-Shabaab uu noqdo muhimadda kowaad ee aan ciidamada SNA loo isticmaalin dano siyaasadeed, waxaana uu ku tilmaamey ciidanka Madaxweyne Farmaajo ku daabuley goblka Gedo mid aan la aqbali karin oo aan u shaqeyneyn danaha la wadaago ee sugidda amniga iyo la dagaalanka al-Shabaab.

Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin

Roger Hunter

Doorashada Soomaaliya oo ay ka dhiman tahay 8 bilood oo keliya ayaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo dooneysaa in dalka laga hirgeliyo nidaamka xisbiyada iyada oo shaqadaaas qabashadeedu u baahan tahay wakhti dheer oo horey loo dayacay, waana sababta Maraykanku uga shaKisan yahay in ay tahay marmarsiinyo dib loogu dhigayo doorashooyinkii qrsheysnaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *