Maskaxdii Ka Dambaysay weerarkii Manda Bay oo Duqayn Lagu dilay

Published: February 25, 2020

Milateriga Maraykanka ee africom ayaa sheegay in 22 Bishan Febraayo ay duqayn cirka ah ku dileen Maskaxdii ka dambaysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Warsaxafadeed ay soo saareen Africom waxay ku shegeen in duqayntaas ay ku dileen Sarkaalka alshabaab u qaabilsanaa dejinta iyo diyaarinta howlgalkii iyo weerarkii dhulka ee lagu qaaday saldhiga Manday Bay iyo Xaaskiisa oo xubin ka ahayd ururka Alshabaab islamarkaana fududaysay ficilo argagixiso

Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend wuxuu sheegay in milatariga Marayanku in ilaa 5-tii Janaayo ay ku daba jireen kuwii weerarkaas mas’uulka ka ahaa islamarkaana aysan ka hari doonin kuwa qaba dhiigga Maraykanka iyo kan ciidamada Afrika waa sida uu hadalka uu u dhigaye.

Weerarka Alshabaab ay ku qaadeen saldhiga milatariga ee Manday Bay waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Maraykanka iyo Labo Muwaadin oo Maraykanka oo qandaraaslayaal ahaa, waxaa kaloo weerarkaasi lagu dilay 5 nin oo ah maleeshiyaadii alshabaab ee weerarka ahayd.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *