Muqdisho: Dhalinyaro Lagu Xukumay Xabi u dhexeeya 5 sanno ilaa 8 Sanno

Published: February 25, 2020

Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay Dacwad ciqaabeed Dhallinyaro loo heysto Burcadnimo hubeysan ayaa ku kala riday xukunno kala duwan.

Maxkamaddu waxay Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, Maxkamadda  waxay kaloo ay ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar ay Maxkamadu amartay in  la siiyo xurriyadiisa haddii uusan jirin dambi kale sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo isku dayay in uu dilo Askariga maraya xaafadda  taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay in  uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, waxa uu sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad  sidoo kale hadda ka hor  saldhiga degmada Wadajir loogu xiray tuuganim.

Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha Mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.

Dhallinyaradaani ayaa aheyd koox ka abaabulan Magaalada Muqdisho, dhacna ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Mooto Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada, Lacag  iyo Kombiitarrada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *