Socdaalkayagii Gacanka: Saldanada Cumaan iyo waxaan ku soo arkay! (Q2)

Aan ka bilowno intaan ka wada ognahay, Saldanadda Cumaan waa dalka labaad ee baaxadda iyo tirada dadka ugu badan dalalka gacanka carbeed, dhaqaalaha waa dalka ugu yar, xukunkiisa waxaa ka talinayey qoyska BUU-SACIID oo xukumaya in ka badan sadex qarni, waa qoyska ugu xukun dheer carabta, waxaana soo martay xilliyo xukunkoodu aad u baahay oo gaaray qeybo ka mid ah Hindiya, Iiraan, Baakistaan iyo afrikada beri, waxaa hoostagay xukunkooda SINJIBAAR iyo TANZANIA, waxaa geeska afrika caan ka ah Suldaan SICIID BARQASH 1870 – 1888-dii oo xukumayey Sinjibaar, wuxuu soo gaaray oo ka sameystay daar qasri ah Banaadir – Moqdisho, waxaase igu maqaal ah intuusan soo booqan inuu ka hor geeriyooday waxaana u fadhin jiray Naa’ib, waagii danbena waxaa xarun ka dhigtay gumeystihii talyaaniga ee qeybteen haystay, markii xuriyadda la qaatay waxaa laga dhigay Matxafkii Qaranka oo keyd u ahaa Sooyaalka Soomaalida.

Waxaa qoyskaan hadda caan ka ahaa Suldaan QAABUUS BIN SICIID oo bariga dhexe ugu xukun dheeraa oo Cumaan xukumayey tan iyo 1970-kii illaaa geeridiisii 11-kii Januaury, 2020-ka, markuu qabanayey talada dalka wuxuu ka afgambiyey AABIHIIS SULDAAN SICIID BIN TAYMUUR BUU SICIID waxaa la dhahaa ingiriiska ayaa qorshahaas wax ka ogaa, isla dalkaas buuna odaygii ku dhintay, wuxuu QAABUUS caan ku ahaa allaha u naxariistee siyaasad dabacsan oo qunyar socod ah, wuxuu xiriir la sameystay dawladaha bariga dhexe isku haysta oo dhan, oo ay ka mid yihiin ISRAA’IIL & IIRAAN, Dawladda Cumaan siyaasad ahaan kuma jirto dawladaha khaliijka ee hadda Soomaaliya siyaasad ahaan shanta kula jirah.


Dhanka Dad-weynaha waxay ka haystaan Suldaanka Cusub HAYTHAM BIN TAARIQ BUU SICIID filasho yididiilo leh.


Qoyskaan waa IBAADIYIIN MADHAB ahaan oo ay uga duwanyihiin inta kale qoysaska talada ka hayah dalalka gacanka carbeed, imaamnimada firqadaasna ayagaa hayey intay jirtay dawladnimadoodu, inta aan ka arkay ashkhaas ka tirsan qoyskaan waa dad afgaaban, edeb badan ka muuqato, markii aad la joogto waxaa kala garan waayeysaa kiina martida ah, guud ahaan reer cumaan waa dad degan, edeb badan, kibir aan lahayn, madawgu iyo cadaankuna si siman oo karaamaysay aan kala sarreyn lahayn bay dalka ugu wada dhaqanyihiin, waxaa ku rumoobay Xadiithkii Rasuulka SCW ee Saxiix Muslimka ku soo arooray ee ahaa markuu la hadlayey saxaabi loo diray dacwo fidin oo la soo dhibay “Hadii aad u tagi lahayd Reer Cumaan kumaysan caayeen kumana aysan garaaceen”, waa dad guud ahaan af-macaan inta aad joogtid dhagahaaga waxaa ku badanaya erayada – Alxamdulilah – Al-umuur Dayibah – Al-balad fiih Khayr – Al-khayr Waajid, hadaysan ku magac garanayn waxay kugu yeerayaan Yaa Dayib.

Waxaan aad wafdigayagii u soo jiittay oo aan bogaadinnay qurxinta ay Masaajiddada ku sameeyaan, waxay u dhisaan Dhisme weyn oo dheer, waxaa dalxiisayaasho u booqasho tagaan Masjidka weyn Ee Suldaan Qaabuus oo u dhisan qaab-farshaxankii islaamiga ahaa, gobolkasta oo dalkaan ahna waa laga dhisay, waxaa kale oo aad u qurux badan Masjidka Bahwaan oo loogu magacdaray ganacsadeha dhisay, Masaajidda inta badan Dawladda ayaa dhista waa wax aan badanaaba dalkeenna lagu arag.

Xiriirka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Cumaan.

Xiriirka Siyaasadeed ee labada dal waxaan ka xusi karnaa; waxaa soo maray Cumaan mucaarado hubeysan sanadihii 1965-tii ilaa 1975-tii oo gobolka DUFAAR doonayey inuu ka goosto Dalka Cumaan oo uu ku biiroh Yemen oo Shuyuuciyad ahayd, waxaa hogaaminayey Mucaaradka YUUSUF BIN CALAWI, waxaa mucaaradka iyo dawladda cumaan ka mid ahaa dawladihii ka shaqeeyey heshiiskii dhexmaray Dawladdii Soomaaliya oo markaa Madaxweyne ka ahaa Gen. MAXAMED SIYAAD BARRE, mucaaradkiina waxaa laga qeyb geliyey xukuumadda Cumaan, WASIIRKA ARIMAHA DEBADDA muddo dheer ilaa hadda waxaa ah hogaamiyihii mucaaradkaa waagaas, xiriirkii xilligaa yagleelmay ayaa lagu furay Safaaradda Soomaaliya ee Masqad.


Xilligii burburka Suldaan Qaabuus Allaha u naxariistee Soomaalida wuxuu u hayey wanaag badan, illaa maanta waa dalka kaliya ee Khaliijka Aqoonsan Isticmaalka BAASBUURKA SOOMAALIGA ah una ogol Dal-ku-gal iyo Dal-ku-joog ” VISA & IQAAMO”, wuxuu marti-geliyey oo aad u karaameeyey qoyskii Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre ka dib markii xukunka laga tuuray, waxayna garab istaageen xilliyo macluul ay ka dilaacday Soomaaliya oo ay soo direen 10 diyaaradood oo macaawino ah.

Waxaa naga dhexeeya ilaa maantay xiriir ganacsi oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee dal carbeed ay Soomaaliya la leedahay, waxay si joogto ah uga qaataan xoolaha soomaalida Dekadaha Moqdisho, Berbera iyo tan Boosaaso oo ah Dekadda ugu badan ay isku xiranyihiin Dekadaha Cumaan.
Ganacsiga naga dhexeeya waxaa ubuc u ah xoolaha aan u dhoofinno, waxaa jira Soomaali badan oo ka shaqeysta xijiga iyo meydiga ka baxa buuraha Cumaan, waxaa ka dhoofsannaa sadex waxyaalood oo kaliya oo kala ah BUR, BAASTO iyo SIBIR, waxayna si gaar ah ugu xiranyihiin sadex shirkadood, sidoo kale Dekadaha cumaan waxay marin u yihiin badeecadaha iyo qalabka Konteenarada looga soo raro dalal kale sida Shiinaha, oo dib doonyo loogu daabulo ayagoo furfuran madaama dekadaheenna qeybtood aysan lahayn Terminal Conteners.

Magalaada SALALAH Gobolka Dufaar.

Waa Magaalada Labaad ee dalka waxay dhacdaa Koonfurta Cumaan waxay leedahay Dekadda 1’aad ee dalka, waxay cimilo ahaan aad ugu soo dhowdahay Soomaaliya, waa meel kolansatay Bad, Berri iyo Beer, xoolaha waxaa aad ugu dhaqan Geela, oo dhaqashadiisa iyo caanihiisaba laga jecelyahay, waxaa aad uga baxa geedka qunbaha, ka sakow luqadda Carabiga dadka deegaanka ahi waxay kaloo ku hadlaan luqado kale oo la kala yiraahdo JIBBAALI, SHAXRI, IYO MEHERI waa luuqado SAAMIYA halkaas isku bah waxay ka yihiin Carabiga, Cibriga, iyo Xabashiga, waxaa jirah eriyo ay Soomaaliga iskaga egyihiin ama aad iskugu dhowyihiin sida ( ARI waxaa u dhiganta luqadahaas AROO, LO’da : LI, GEELA : YEEL, Wuxuu Gobolkaan aad ugu xiranyahay SOOMAALIYA ku xirnaanshahaas waa mid aan hadda bilaaban oo boqolaal sano jiray, waxaa deggan gobolkaas dad asal ahaan Soomaaliya haddase Cumaaniyoobay kama soo sooci kartid cumaanayska kale, Af-Soomaaliga ma yaqaanaan laakinse maysan illaawin asalkoodii, abtirsiinyahoodii iyo qabaa’ilkii ay ka soo kala jeedaan, intaan oo jifiyoodba waa joogaan ( Beyt Cali Suleymaan, Beyt Suwaakhroon, Beyt Dhulbahante waa magaca kaliya ee dhawaaqiiso wax ka badalmeen oo waxay ugu dhawaaqaan Beyt AL-BAHANTAH, Beyt Warsangeli, Beyt Idigfacle, Beyt Ugaar Saleebaan, Beyt Reer Cumar, Beyt Maxamuud Saleebaan – Odayaashii halkaas baa Dhufays u ah halakan) waxaa kale oo cidi ka joogtaa Cumaan guriga Ogaadeen oo waxay qabtan iyo qaaraan la yihiin oo ay ka mid yihiin niman Ashraaf haashimiyiin ah oo ay ku dhexmilmeen oo gobolka Wusdaa la yiraahdo degan, waxaa kale oo jooga niman guriga ISAAQ ah oo kooban oo ayagu dhowaan soo galay todobaataneeyadii oo reer Jaamac Galaal u badan waxaa aad caan u ahaa Muuse Galaal oo ka mid ahaa guddigii far-soomaaliga, qoyskaan markii laga reebo Soomaalida kale ugu yaraan 4 ilaa 5 fac bay joogaan oo aan ku qiyaasi karo 150 – 200 sano iyo ka badan.
Soomaalidu Gobolkaan iyo Cumaan guud ahaan waxay ku leeyihiin sharaf, karaamo iyo qadarin, taariikh ahaan dad waxay ahaayeen dhaqaale haysta oo sameeya ganacsi oo leh ilbaxnimo oo badmaax ah, waxay ahaayeen dad qab-weyn oo quursi sanku neefle sinnana u qaadan, waxaa ka mid ah qisooyinka dad-weynaha – Carabta Cumaan – mahadhada ku noqotay inay Soomaalidu yihiin soo-ma-jeedshayaal, haday dirir gunduhooda ka dhalatana aan u aabayeelin ciidda uu ka dagaalamayo iyo tirada ay is hayyaan oo iska soo horjeedaan, waxaa dhexmartay dirir tiro ahaan aan isku dheelli tirnayn dhowr Qabiil oo Carabta Dufaar ka mid ah, waa garan kartaa Soomaalidii labo qarni ka hor nooleyde waxay ku hoobiyeen hootto iyo waran waxay ku boobeen hub waxay haysteen, waxaa hafiyey dhulkii dhiiga halbowlayaal weecda ka dhigtay ablay gacan fudud ku dagaalamayso qaxay isgarabsan jireen Meheriga, waa ayadii la yiri NIMAAN WARANKAAGU GELIN WEEDHAADU MA GASHEE, ragguna waa dan qaadasho dhowyahay siiba markuu garaadku shaqeynayo, guurtina talada gacanta ugu jirto, carabtana ilaahay amarkii labadaasba kama dhamaadaan, heshiis baa la dhigtay xidid iyo xigaalo ba la noqday, maantayna waa wiil iyo abtigi, waa Deeganada Mirbaad, Daaqah, Sadax, Salalah iyo Dufaar oo dhan, soomaalidaan waxay la dhaqanyihiin Qabaa’ilka Carbeed ee deegaankaa oo ay ka mid yihiin Al-Kuthairi, Al-Qiraa, Al-Xakli, Al-Mahrah, waa qabtan iyo qaraan wadaag, dadkeenaan waxay dalka uga jiraan kaalin weyn hadday noqoto tacliinta, dhaqaalaha, shaqada dawladda tan rayidka iyo tan ciidankaba, waxay dalka ka gaareen Jagooyin sarsare, Safiiro, Gudoomiyayaal Gobol, Saraakiil Ciidan.

Intii aan joognay waxay wafdigii Boqor Burhaan Boqor Muuse u soo dhoweeyeen si weyn oo qadarin leh, guud ahaan iyo guri-guriba waa noo marti qaadeen, waxay ku karaameeyeen hadayado dhaqan Boqorka iyo Wafdigiisaba, waxay leeyihiiin guurti, reer walbana Sheekh gaar ah buu leeyahay, dawladdana u diiwaangashan, waxay u cimaamataan oday guud munaasabaatkooda iyo hawlahooda Xaaji Siciid Xaaji Faarax waana odayga hadda ugu da’weyn, waa nin af-soomaaliga yaqaan oo asagoo aad u yar ayaa dalkii aabihiis geeyey asaga iyo walaalkiis, Waxay leeyihiin xilligaan rag saameyn leh mid aqooneed ama mid dhaqaale oo badan, waxaanse ka xusi karnaah: Cabdiqaadir Tuubbo, Jaamac Cali Bicir, Naasir Siciid, Dr Axmed Siciid Xaaji Faarax, Saalax Xasan beyt Cali Suleymaan, Muhannad Beyt Dashiishe, Cabdisalaam Beyt Idigfacle, Xaafid iyo Cabdisalaam Beyt Sawaakhroon, Col. Faarax iyo Sheekh Cali Beyt Maxamud Suleyman.
Waxaa Magaalada Salalah kaloo degan qoysas Soomaali ah oo dalkii iyo debadda ka kala yimid, waxayna u xisheen waxbarashada caruurta oo aad u jaban amaba lacag la’aan ah, noloshuna guud ahaan way jabantahay, waxaa intaa joognay dhowr habeen muxaadarooyin u qabtay kuwa guud iyo kuwo haweenka gaar u ah Sheekh Axmed Yuusuf Daad.

Booqashadii Boqor Burhaan ee dalka Cumaan

Dalkaan Cumaan Waxaan ku tagnay socdaal Wafdi uu hogaaminayey Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Yuusuf Daad iyo Xaaji Maxamuud Faarax Bile iyo Maxamuud Catoosh iyo rag kaloo badan. Waxay booqashadii wafdigu ku soo beegantay xiligii uu geeriyooday SULDAANKII SALDANADA, hawsha muhiimadda lahayd ee aan qabannaynay ayaa ahayd Dowladda iyo Dadka inaan uga tacsiyeyno geeridii marxuumka, Boqorku intuusan imaan tacsi ayuu saxaafadda u mariyey, markii aan soo gaarnayna Cumaan wuxuu gudoonsiiyey Xukuumadda DHAMBAAL TACSIYEED.

Intii aan Joognay – Wafdigii Boqor Burhaan – Masuuliyiintii aan kolannay waxay nagu laab-qaboojinayeen inay siyaasaddii hore ee dalka lagu dhaqayey muddada dheer inaysan waxba iska badali doonin, xiriirka siyaasadeed ee wanaagsan ay Soomaaliya la leeyihiinna sii socon doono, waxay danaynayeen dhismayaashii hore ee taariikhda Cumaan la xiriira ee ay ku lahayd dalkeenna oo ay ku qiyaasayaan ilaa 6 Dhisme inay dib-u-dhis iyo habeyn ku sameeyaan.

Waxaa mudnaanta mahadcelinta naga mutaystay Dawladda Cumaan oo dalkeeda si qadarin iyo sharaf leh noogu soo dhoweysay oo hagar la’aan ah, waxaa kale oo la illaawi karin soo dhoweyntii balaarnayd ee noogu sameeyeen dalkaan Walaalaheen Qabaa’ilka Al-Mehrah, waxay nagu soo dhoweeyeen Gegida diyaaradaha MASQAD ayagoo uu hogaaminayo Suldaan Cabdallah Bin Ciise Aal-Cafraar, Lataliyaha Suldaanka Bashiir Xasan Xaaji Aal-Cafraar, iyo Yaasir Aal-Cafraar, waxayna garab joogeen goobkasta iyo gobolkasta aan gaarno, Wafdigu wuxuu illaaweyn soo dhoweyntii beelaha meheriga cumaan ee Beyt Balxaaf, Beyt Thuucaar, Beyt Samuudah oo ka mid yahay Walaal CALI AXMED AL-MEHRI.

Gabagabadii

Waxaa aad iigu weynaatay fikraddii oreynaysay in la sameeyo isbahaysi-carbeed oo u dhigma kan dawladaha geeska afrika ee lagu magacaabo IGAD, isbahaysigaan wuxuu ka koobmi karaa 5 dawladood oo carbeed oo ku kala teedsan xeebta labadeeda dacal, dhinaca koonfureed ee afrikada xigta waa Soomaaliya iyo Jabuuti, Dhinaca Wuqooyi ee Jaziiradda Carbeedna waa dalalka; Cumaan, Yemen, iyo Sucuudiga, mar hore bay aqoonyahnno qalinka u qaateen oo ugu yeereen isbahaysigaa AFRABIA, xuquuqda eray bixntaan waxaa leh Cilmi baarihii weynaa ee Cali Al-Marsuuqi oo ahaa Kenyaan, qoys muslim ah oo caan ah ka soojeeday oo asalkoodu yahay dalka cumaan. waa kalmad ka kooban Africa iyo Jaziira Arabia oo labadaa eray tiiba intii hore la soo gooyey oo la isku daray, waxay u dhigantaa tan EURASIA , waxay iska kaashan karaan ururkaan cusub horumarinta dhaqaalaha, habsami-u-socodka iyo nabadgalyada gaadiidka badda biyo-mareennada badda cas iyo bad-weynta hindiya iyo in kale oo badan.

Wuxuu socdaalkaan wafdigayagii ku reebay raad wanaagsan, waxaan hubaa haddii wadka lays weydaarsado inay xigi doonaan booqashooyin badan hadduu EEBBE idmo.

W/Q: Liibaan Axmed Shire