Wasiirka Arimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka Dalka Turkigga ee Soomaaliya.

Published: February 25, 2020

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga Mehmet Yilmaz, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka hadlay arrimo ku salaysan ganacsiga iyo maalgeshiga labada dal. Xiriirka Ganacsi iyo midka socdaal ee labada dal ayaa sanadihii danbe si wayn usii xoogaysnayaay, Dawlada Turkigga ayaana si wayn Soomaaliya uga taageerta dhinaca amniga, cafimaadka iyo dhaqaalaha.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *