Alshabaab oo weeraray saldhig ciidamada Kenya ku leeyihiin meel ku dhow Gaarisa.

Published: February 26, 2020

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegayin ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin meel ku dhow Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,hase yeeshee lama oga qasaaraha ka dhashay halkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan, waxaana war ay ku qoreen warbaahintooda ku sheegeen in ay gudaha ugu galeen Ciidamada Kenya, isla markaana ay bur-buriyeen agabkii ay ku howlgalayeen ee xerada u yaallay.

Hase yeeshee majiro wax war ah ooka soo baxay ciidamada Kenya. Balse waxa uu ku soo beegmayaa weerarkan xilli shalay ay shaaciyeen ciidamada Maraykanka inay dileen sarkaal ka tirsanaa ALshabaab oo mas’uul ka ahaa weerarada lagu qaado dalka Kenya.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *