Madax ka tirsan XFS oo ka qeyb galay Shir ka furmay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan.

Published: February 26, 2020

Waxaa Magaaladda Khartoum ee caasimada dalka Sudan gaaray wafuud kala duwan oo ka qayb-galaya shirka Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ka furmay halkaasi. Shirkaan ayaa looga hadlayaa isdhex-marka Dad-ka iyo Ganacsiga wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD sida ay baahisay warbaahinta Qaranka.

Waxaa Soomaaliya shirkaan uga qayb-galaya masuuliyiin ka socda wasaaradaha amniga, arrimaha dibadda, shaqada iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cadaaladda. Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu oo furay shirkaan ayaa sheegay in haddii wadamada ku Bahoobay IGAD ay meel mariyaan sharciyada lagu heshiiyo ay muhimad gaar ah u yeelan doonto shacabka wadamadaasi.

Shirkaan oo gabo-gabadiisa ay ka soo qayb geli doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in laga saaro qodoba kala duwan.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *