Puntland iyo Somaliland ayaa markale ku dagaalamay Gobolka Sanaag.

Published: February 26, 2020

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ayaa saaka mar kale ka dhacay Deegaan u dhaw Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaaag, Sida ay Ilo xog-ogaal ah u sheegeen Horseed Media dagaalka ayaa sababay khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

2 Askari ayaa Ciidamada Puntland uga dhintay dagaalka, Halka Ciidamada Somaliland iyaggana la sheegay in uu dagaalkaas uga dhinteen 3 Askari, Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

Dagaalka ka dhacy Duleedka Hadaaftimo ayaa daba-socda mid shalay ka dhacay Degmada Laas-qoray kaas oo u dhaxeeyay labada Gudoomiye ee Gobolka Sanaag u qaabilsan Puntland iyo Somalialnd.

Degaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, balse waxaa jira gurmadyo labad dhinac soo gaaraya. Shalay ayey ahayd markii  ee gobolka Sanaag uu iska hor-imaad hal askari ku dhintay ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa bilawgii sanadkaan gacan-buuxa ku dhigtay gacan ku haynta Gobolka Sanaag, Ciidamadii ka tirsnaa Somaliland iyo maamulkii u qaabilsanaa Gobolka Sanaag ayaa ku biiray Puntland.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *