Rag kufsi iyo dil geystey oo maanta la soo taagay Maxkamad ku taal Garowe.

Published: February 26, 2020

Maxkamada Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga kiis loo heysto rag lagu eedayay in ay kufsi iyo dil Magaalada Garoowe ugu geysteen Marxuumada Hodan Axmed Shanleyste oo ahayd Haweeney Xaamilo ah.

Dhageysiga Dacwadda ayaa bilawday 15-kii bishaan, waxaana lagu ballamay sabtidii todobaadkaan 21-ka Febaraayo, balse waxaa dib loogu dhigay dalab ka yimid Aabaha Hodan oo ka maqnaa Magaalada Garoowe.

Kiiska kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Hodan waxa uu ka dhacay Magaalada Garoowe 11-kii april sanadkii tagay 2019, waxaana tan iyo xiligaas socday baaris lagu sameynayo Todobo ruux oo loo soo qabtay in ay ka dambeeyeen.

Maxkamadda ayaa u qabatay in maanta oo Arbaco ah kuna beegan tahay 26-ka febaraayo 2020 in fadhiga Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal uu dhacayo. Dhageysiga 1-aad ee dacwadda ka dhanka ah raggaan ayaa horay u dhacday, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in kiiskaan oo qayb ka ah Xadgudubyada ka dhacay Deegaanada Puntland ay go’aan ka gaari doonto.

Horseed Media 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *