DFS oo soo dhawaysay go’aamadii kaso baxay Hay’ada IMF.

Published: February 27, 2020

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Maaliyadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaaa soo dhaweeyay war xalay kasoo baxay Hay’ada Lacagta Aduunka ee IMF, iyo Bangiga Horumarinta Afrika kuwaas oo soo saaray go’aamada laxiriira hanaanka daynta looga cain karro Soomaaliya.

Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa. Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

 Daynta lagu leeyahaya Soomaaliya ayaa gaaraysa $5.3 bilyan waxaa deynta looga qafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida. Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF  ay shaacisay in 100 dal oo xubno ka ah IMF, ay ballan qaadeen in ay bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah deynta laga qafiinayo Soomaaliya.

Horseed Media. 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *