DFS oo u digtay Dalka Kenya kuna eedaysay faragelin ay ku hayaan gudaha Soomaaliya.

Published: February 27, 2020

Wasaaradda Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa warsaxafadeed ay soo saartay waxay uga hadashay farogelin la sheegay inay ku hayso dowlada Kenya dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibbada ayaa sheegtay in muddo ay ka sugeysay dowlada Kenya inay wax ka bedesho habdhaqankeeda balse ay taasi suurtogali weyday.

Qoraalkan ayaa sidoo kale loogu baaqay dowlada Kenya inay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya iyo falal xasilooni darro ah oo ay ka wado xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxayna ugu dambeyntii dowlada Soomaaliya sheegtay inay qaadi doonto tallaabo diblumaasiyeed si loo ilaaliyo qarnimada dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *