Shirka sanadlaha ee Arrimaha caafimaadka oo Muqdisho ka qabtay.

Published: February 27, 2020

Shirkaan oo ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa looa hadlayay arimaha caafimaadka waxaan si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya, waxaan kasoo qaybgalay Xubno katirsan dowladda federaalka ee Somaliya, Masuuliyiinta Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya, Cilmi bareyaal, ardayda Jaamacadaha dalka iyo qaybaha kala duwan.

Shirkaan ayaa socday muddo labo maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay, Bandhigan intii uu socday waxaa diirada lagu saaray xal u helida mushkiladdaha caafimaad ee dalka, Mudadii uu socday bandhiga ayaa waxaa ka hadlay ilaa 32 cilmi baareyaal caafimaad ah oo soo jeediyay mowduucyo kala duwan.

Waxaa sidoo kale mudadaasi uu socday bandhiga hadlay masuulyiin katirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo dhamaantood bogaadiyay qabanqaabada wanaagsan ee shirka ayaga oo dhiirigaliyay in la joogteeyo bandhigyadda noocan oo kale ah

Qaar kamid ah ardaydii ka soo qeybgalay shirka ayaa sheegay in ayagana ay mudadii uu kulanka soconayay waxbadan ka faaiideen. si gaar ahn ay wax badan uga barteen ahmiyadda caafimaadka halka soomaaliya ay ka joogto adeegyadda caafimaadka.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *