Ciidamada DFS oo baaritaan ku sameeyay guriga Wasiirka Amniga Jubbaland ee degmada Doolow.

Published: March 2, 2020

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Maagaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa xalay baaritaan ku sameeyeen guriga uu ku leeyahay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee kaliftay in howlgalka laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hub kala duwan aksoo bixiyeen guriga wasiirkii amniga jubaland cabdirashiid Janan oo dhawaan ak baxsaday gacanta ciidamada dawlada kuna sugan magaalada Mandhera ee Dalka Kenya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *