Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool oo Qarax Miino Lagu Dilay

Published: March 2, 2020

Qarax miinow oo ka dhacay bartamaha magaaladda Laascaanood ayaa waxaa ku geeriyooday Gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud

Qaraxan ayaa ka dashay miinow lagu xiro baabuur nooca Noohada loo yaqaan oo uu watay guddoomiyaha maxkamada. sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurka guddoomiyaha oo burbursan.

Ciidamo booliis iyo milateri ah ayaa maamulka Somaliland geeyay goobta uu qaraxu ka dhacay iyo guud ahaan magaaladda Laascaanood.

Ma jirto ilaa iyo hadda kooxo sheegatay qaraxa lagu dilay guddoomiyaha Maxkamada gobolka Sool.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *