Jubbaland Oo Sheegtay Inay Ka Hortegtay Weerar DFS Ku Soo Qaaday Ciidamadeeda

Published: March 2, 2020

Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee kusugan degmada Beledxaawo ayaa ka hortegay weerar ay soo qaadeen ciidankii ay muddooyinkaan Dowladda Federaalku ku daabulaysay gobolka Gedo sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay telefishanka Jubbaland.

Jubbaland waxay kaloo sheegtay in ciidamadooda oo xilli horeba heegan la geliyey ay jilibka u aaseen ciidankii soo weeraray, waxayna ku guulaysteen in ay dib u riixaan ciidankii soo weeraray.

Jubbaland waxay sheegtay in Dagaalka weli socda oo uu ku fiday fariisimo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka dowladda federaalka ee Muqdisho laga keenay, sidoo kale jubbaland waxay sheegtay in saraakiisha ciidanka Daraawiishta ay qorsheynayaan in ay dhaqso u dhaqan geliyaan qorshaha xasilooni kusoo celinta degmooyinka Daawo.

Ilaa iyo hadda ma jiro war ka soo baxay dhinaca dowladda Federaalka, sidoo kale lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka ka qarxay magaaladda Beledxaawo ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamada daacada u ah wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Jannan

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *