Ciidamada Baydhabo oo qabtay qof doonayay inuu is qarxiyo.

Published: March 4, 2020

Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ku qabtay gudaha magaalada Baydhabo nin watay waxyaalaha qaraxa oo doonayay inuu is qarxiyo sida ay ciidanku sheegeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ninkan oo magaciisa yahay Isaaq uu watay Jaakad uu ku xiran yahay waxyaalaha qarxa. Ninkan ayaa Boolisku ka warheleen kadib markii uu dhigtey qalabkii uu watay guri ku yaal magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka uu isku soo dhiibay nin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab kaasoo ka soo baxsaday gobolada Jubbooyinka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *