Gudigga Caleema-saar Madaxda Gal-mudug oo lagu dhawaaqay.

Published: March 9, 2020

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Qoor-qoor ayaa digreeto oo uu soo saaray waxa uu ku magacaabay gudigga qaban-qaabada xaflada caleema-saarka ee Madxada Galmudug waxaana gudoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbada Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo magacaabay inuu Guddoomiye ka noqdo guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Galmudug.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Qoor-qoor ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 12 xubnood oo 11 ka mid ah yihiin rag, kuwaasoo howlahooda ay ka mid yihiin asteeynta waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo dejinta qorshaha guud ee caleema saarka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *