Somaliland oo beenisay in Itoobiya ay ka laabatay Maalgashiga Dekedda Berbera.

Published: March 11, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa been abuur ku tilmaamay warkii uu qoray Wargeyska Capital ee kasoo baxa Itoobiya, kaasi oo la xiriiray in Itoobiya joojisay maalgashigii ay ku lahayd dekedda Berbera kaas oo dhan 19%.

Wasiirka Faratool ayaa sheegay in uusan jirin warkaas uu daabacay Wargeyska Capital, isla markaana weli war rasmi ah uusan kasoo bixin dowladda Itoobiya oo ay uga hadlayaan in la joojiyay maalgashigii ee 19% ee Dekedda Berbera.

Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.

Dekeda Berbera ayaa maamulkeeda waxaa horay ula wareegay shirkad laga leeyahya Dalka Imaaraatka sidoo kale Dawlada Itoobiya ayaa laga siiyay saami maalgashi. Xiriirka DFS iyo Itoobiya ka dhaxeeya ayaa hadda ah mid xoogan Itoobiya ayaa iyaduna gar-wadeen ka ah sidii loo dhamaystiri lahaa wada-hadalada Itoobiya iyo Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *