Ahayeenka Galmudug oo Puntland ku eedeeyay in ay dhibaato ka waddo gudaha Galmudug.

Published: March 12, 2020

Ciise Cismaan Nuur Taardhuleed Afhayeen Maamulka Galmudug ayaa Punland ku eedeeyay in ay waddo falal lidi ku ah jiritaanka Galmudug Sidoo kalena waxa uu madaxdii iskaga kala danbaysay ee puntland ku sheegay in ay la dagaalameen jiritaanka Puntland.

“Waxaan rabaa halkan in aan baaq uga diro Puntland, waa dadaan deris nahay, waa dadaan ehel nahay, waa dadaan qaraabo nahay, Galmudug waxay idin ka mudan tahay ixtiraam iyo derisnimo, taas aan kuwada shaqeyno, haddii aan taas kala weyno, wixii aan kala helno baan leenahay”. ayuu yiri Afhayeenka Galmudug.

Taardhuleed waxa uu tilmaamey in haddii ficilada ay wado Puntland joojin weydo, ay Galmudug ka heli doonto jawaabta ay mudantahay.“Dhismihii Galmudug 2015, Cabdiwali Gaas ayaa u istaagay in Galmudug aysan cagaheeda ku istaagin, hadana Deni baa u taagan in uu ka sheeyo dhibaatada Galmudug, dadka reer Galmudug waa ku arkaan waana iska kaa celinayaan”

“Wadaadadii aad soo dhaweyseen kama xumin soo dhaweeya, laakiin waxaan rabtaan in aydaan ka shaqeyn dhibaatada Galmudug, baaqa aan dirayo waxaan u jeedinayaa madaxda, shacabka Puntland waa shacab sharaf leh wax shido iyo shar ah oo aan ka maleysanaanaa ma jirto, shidada waxaa wada madaxda maamulka u kala dambeeyey”ayuu yiri Taardhuleed.

Afahyeenka ayaa ugu danbayn Madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ku eedeeyey in uu faragalin ku hayay dhismihii hore ee Galmudug, halka uu Madaxweyme Deni ku eedeeyey dhibaato uu hadda ka wado Galmudug. Puntland ayaa Garoowe dhawaan kusoo dhawaysay Culimadda Ahlu-sunah oo looga adkaaday siyaasiyadii Galmudug.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *