Galmudug oo Amaro Ka Soo Saartay Hubka lagu dhex qaato Dhuusamareeb

Published: March 12, 2020

Taliska ciidanka Booliska Galmudug ayaa amar ka soo baxay lagu mamnuucay in hub aan aheyn kan laamaha amniga lagu dhex qaato Deegaannada hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Amarkaan oo la faray dhammaan laamaha amniga ayaa ciidamada u oggolanaya in ay la wareegaan hubkii lagu qabto howlgallada, iyaddoo aan dib loogu celinaynin dadka laga qaado, qofkii hub lagu qabto ayaa wajahaya isna xarig seddex bilood ah oo aan cafis laheyn sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Galgaduud Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Jaamac , Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb Burhaan Axmed Roble, Guddoomiye ku-xiggeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Cabdi Xaashi oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Degmooyinka ku xeeran caasimadda sida Taliyaasha Booliska Xeraale iyo Balamballe ayaa kormeer amarkaan la xiriira iyo ogeysiin ku soo marey deegaannada , Mareergur, Shimbiraale , Tagaabeeye iyo Mirig, si loo dhaqan geliyo sharcigan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *