Qodobo Laga Soo Saaray Shir Nabadayn ah oo Qardho Uga socday Labo Beelood

Published: March 14, 2020

Waxaa Maanta Magaalada Qardho lagu soo gaba-gabeeyay shir dib-u-heshiisiin ah oo mudo 2 todobaad ah u socday beelaha Cismaan Maxamuud iyo Dubays ee degga Gobolka Hayland iyo Karkaar.

Gabagabdii shirkaan waxaa ka qayb-galay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Taaraan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Saciid Physics, Xildhibaano, Odayaal dhaqan iyo mati-kale. waxaana magaalada Qardho maanta lagu qabtay qado-sharaf lagu soo gaba-gabaynayay shirkaas.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed qodobaysan waxaana ka mid ahaa, waxaana ka mid ahaa:-

1: Labada Beelood waxay si rasmi ah uga heshiiyeen dhamaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeyay.

2: Labada Beelood waxay ka heshiiyeen dhamaan intii ku dhimatay kuna dhaawactay colaadaas jirtay mudada 30ka sano.

3: Labada dhinac waxay bixiyeen duugta cidkasta wixii gacanteeda ku dhimatay.

4: Labada Beelood waxay isu celiyeen dhamaan wixii lagu kala furtay dagaaladii dhex-maray, Sidoo kale waxaa la qiimeeyay khasaarihii ka dhashay hantidii ay wax gaartay.

5: Labada Beelood waxay si hoose isaga tuhun-saareen shakiyadda la xiriiray dhimashooyinkii kale ee dhacay, iyadoo cidkasta ay ka dhaaratay.

6: Labada Beelood waxay ku heshiiyeen in Hawsha dhiman lagu dhamaystiro mudo sanad ah.

7: Labada Beelood waxay si wada-jir ah ugu mahad-celiyeen cidkasta oo nabadaytaan ka qayb-qaadatay. Isimo, Dawlada iyo cidkasta.

8: Labada Beelood waxay maanta u aqoon-sadeen maalin taariikhi ah, waxaana layska cafiyay waxkasta oo jiray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *