Faroole: Puntland Ha Aqbasho Madaxweynaha Cusub ee Galmudug

Published: March 15, 2020

Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inay aqoonsadaan Natiijada doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Galmudug, oo ay aqbalaan Madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Xildhibaan Faroole oo maanta khudbad ka jeediyay Shirkii wadatashiga Puntland ayaa sheegay inuu aad ula socday habkii ay u dhacday doorashadii Galmudu iyo sida dowladda Federaalku u maamushay doorashada iyo sida la isugu tanaasulay

“ Doorashadii Galmudug, Madaxweyne ayaa ka soo baxay, ha la aqbalo madaxweynahaas oo innagu ugu horrayno oo aqbalo, sababtoo ah Galmudug waxaanu ka dhignay Saxiixayaal iyadoo aan dhaafsinayn koonfurta Galkacayo maantana maamul dhan weeye”

Sidoo kale, Xildhibaan Faroole wuxuu kaloo ka hadlay hoggaamiyayaashii Ururkii Ahlu Sunna Waljamac ee yimid caasimadda Garoowe, waxaa uu tilmaamay inuusan raali ka ahayn joogitaanka xubno ka mid ah ururkaas oo ku sugan  Caasimadda Garoowe

“ Waxaa la ii sheegay ragii wadaada ah ee halkan (Garoowe) soo maray, rag baa ka haray, Anigu garan Maayo waxay u joogaan, halkan waa joogi karaan oo dhul Somaliyeed, Laakiin siyaasad uma joogi karaan, waxay soo saareen War-murtiyeed, annagu lama qabno, ogaalkay Puntland lama qabto, waxay isku mucaaradayaan yay u dhaxaysaa”

Maamulka cusub ee  Galmudug ayaa Puntland ku eedeeyay inay faragalinayso arrimaha gudaha ee maamulkaas.

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/2739486002832316/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *