Shirka Wadatashiga Puntland oo Furmay-DAAWO

Published: March 15, 2020

Caasimadda Garoowe waxaa si rasmi ah uga furmay shirweynaha wadatshiga oo looga hadlayo ayaaha Puntland.

Shirweynaha oo ka furmay hoolka jaamacada PSU ee Garoowe waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,  Golayaasha Dowladda, Isimada dhaqanka , Xildhibaanada iyo Wasiirada Puntland ku matala Federaalka ,Siyaasiyiinta Puntland oo ay ka mid yihiin Madaxwaynayaal hore , Waxgarad iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland C/raxmaan Dhabancad oo shirweynaha furay ayaa sheegay in ajendaha shirku uu ku saabsan yahay warsaxafadeedkii lagu iclaamiyay shirka ee ka dhacay magaaladda Bosaso bishii Jannaayo ee Sanadkan.

“shirkan waxaa ku baaqay madaxweynaha isuguna yeeray dhammaan golayaasha Puntland heer federaal iyo heer maamul ba. Ujeedkuna waa ka tashiga marxaladihii aan soo marnay iyo dardargelinta siyaasadaha u degsan xukuumaddan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland

https://www.youtube.com/watch?v=troxPf8C5ak

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *