Shirwaynaha Wada-tashiga Puntland oo saaka ka furmaya Garoowe.

Published: March 15, 2020

Magaalada Garoowe Caasimada Puntland saaka waxa ka furmaya shirka wada-tashiga Puntland kaas oo uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb-gali doona Madaxda Puntland, wufuud ka socota DFS, Siyaasiyiin, Aqoon-yahan iyo marti-sharaf kale.

Madxaweynaha Puntland ayaa lagu waddaa in uu saacadaha soo socda si rasmi ah u daah-furo shirka, waxa uuna halkaas ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada guud ee Puntland, halkii ay ka timi iyo halka lagu socdo, sidoo kale waxaa isla khudbadaha lagu xusi doonaa sababaha keenay in shirkaan la qabto sida ay ilaalo xog-ogaal ah u sheegen Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *