Xildhibaan Cumar Oo ka Hadlay Qodobada uu filayo Inay Shirka Ka Soo Baxaan

Published: March 15, 2020

Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Fedraalka, ahna xubin ka tirsan aqalka sare ee barlamaanka federaalka ayaa ka hadlaya qodobada laga filayo inay ka soo baxaan shirka wadatashiga Puntland ee Maanta Garoowe ka furmay.

Xildhibaan Cumar Wuxuu sheegay inuu filayo in shirka ay ka soo baxdo aragti midaysan oo lagu wajayo caqabadaha hadda taagan ee gudaha Puntland iyo arrimaha federaalka

” Runtii, waxa kasta oo soo baxa shirka inay noqoto wax dan u ah Puntland iyo Somali oo dhan” ayuu yiri Xildhibaan cumar Cabdirashiid

Xildhibaan Cumar wuxuu kaloo sheegay inuu rajaynayo in la qabto shirar kale oo taxane ah oo looga hadlayo sidii loogo heshiin lahaa doorashada federaalka ee soo socota iyo guud ahaan sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Puntland dhexdeeda ka jira.

https://www.facebook.com/ShirweynahaPL/videos/162583444770844/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *