PSF oo Howlgalo Amni Ka Samaysay Bosaso

Published: March 17, 2020

Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa Howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

War Qoraal oo aha ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in Howlgalku uu ahaa mid qorsheeysan ayaa Ciidamada sigaar ah uga fuliyay guryo ku yaalla Boosaaso, waxaana inta uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad badan u dhalinyao, kuwaasi oo loo maleynayo inay xirrir la leeyihiin Kooxo ay ku sheegeen inay Cadow yihiin.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida #masaajida iyo suuqyada ee magaalada #Bosaso.” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka ay soo saareen PSF

““Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka Magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah, kuwaas oo baaritaano ku socdaan” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka (PSF).

Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidanka (PSF) ayaa u mahadceliyay Shacabka Puntland ee ku sugan Magaalada Boosaaso, iyagoona ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca Boosaaso

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *