Sarkaal Ka Tirsanaa Wasaarada Maaliyada oo Bosaso lagu Dilay

Published: March 17, 2020

Magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu dilay Saleebaan Axmed shire oo ahaa sarkaal u shaqaynayay waaxda miisaaniyada wasaaradda maaliyada ee Dowladda Puntland.

koox hubaysan ayaa toogasho ku dilay Saleebaan xili uu ku sugnaa hoteel laga cunteeyo oo ku yaal bartamaha magaaladda Bosaso. Rasaastii ay kooxdu ku fureen marxuunka waxaa ku dhaawacmay labo qof oo kale oo hadda lagu dabiibayo Cusbitaalka Bosaso.

Dhinaca kale, Gaari uu lahaa Ganacsade ka tirsan shirkadda Saabir ayaa shalay Galab lagu qarxiyay magaaladda Bosaso, sidoo kale waxaa labo maalmood ka hor hoobiyayaal lagu weeraray xarumo dowladeed oo ku yaal Bosaso.

Dowladda Puntland ayaa weli wax war ah ka soo saarin dilalka, qaraxyada iyo weerarada hoobiyayaasha ee ka dhacaya magaalada Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *