Shirka oo Galay Maalintii Saddexaad iyo Nuxurka Hadaladii Laga Jeediyay

Published: March 17, 2020

Shirweynaha madasha wadatashiga Puntland ee ka socday caasimadda Garoowe oo maalintiisii saddexaad galay ayaa dhawaan la soo gabagabeyey

Shirweynaha oo galabta la soo gabagbayn doono, islamarkaana laga soo saari doono warmurtiyeed ayaa waxaa hadda madasha khudbado ka jeedinaya wasiiru ka tirsan dowladda federaalka, Isimo, ganacsato, aqoonyahano iyo martisharaf kale oo lagu casuumay shirka

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee DFS Xildhibaan Bidhaan oo ka hadlayay Madasha ayaa sidan yiri

“Waan bogaadinayaa madasha shirweynaha waxaana u rajeynaa guul iyo horumar. in la doodo oo la tashado wax la isweydiiyo si daahfuran waa mid ka turjumaysa qaangaadhnimada Puntland, Federaalka oo aan annagu wakiil uga nahay Puntland waxaan rajeynaa in khilaafkoodu dhowaan soo dhammaado”

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda federaalka Sadiq Warfa ayaa isna ka hadlay madasha, waxaana uu yiri:

” Shacabkayga iyo Dawladayda waxaan leeyahay ku kalsoonaada Xildhibaanada idin ku matala DFS, Puntland waxay hormuud u tahay Soomaaliya, Puntland waxay wax ku noqotay Wada-tashi iyo isu-tanaasul, Waan soo dhawaynaynaa shirkaan, waana u mahad-celinaynaa Madaxweyne Deni oo shirkaan fidiyay”

Xildhibaan Saleebaan Xaashi oo ka hadlay madasha ayaa eedayn u soo jeediyay dowladda federaalka, waxaana uu yiri

“Xukunka dalka waxaa haya niman aan rabin in ay doorasho sax ah qabtaan, dastuurka ku dhaqmaan, federaalnimada ilaaliyaan, ciidamada qarankana u adeegsanaya dano gaar ah oo siyaasadeed. Puntland keligeed ma diiddana ee maamulkasta baa diiddan. Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay isugu yeerto madal kale oo qarannimada lagu badbaadiyo”” 

“Nimanka Wasiiradda ah ee DFS idinka yimid yay idin hodin waxba Muqdisho idiinka keeni maayaan waa niman kursigooda illaashanaya ee ogaada reer Puntlandnow.”

Xildhibaan Sacdiyo Samatar oo ka tirsan barlamaanka Federaalka ayaa sheegtay inay shirka ka rajaynaysa natiijo wanaagsan

“Waxaan aad u soo dhoweynayaa shirkan masiirka iyo aayaha Puntland looga arrinsanayo, waxaan uga mahadnaqayaa Madaxweyne Deni martiqaadkiisa shirweynaha wadatashiga Puntland waxaan ka rajeynayaa natiijo wanaagsan”

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil oo madasha ka hadlaya ayaa isna yiri

“Shirka waan salaamayaa, waana u duceynayaa. Dawladdana waan uga mahadnaqayaa agaasinka madashan wadatashiga ah waa mid tilmaamaysaa hoggaansamida Madaxweyne Deni. Waa arrin mudan in la is weydiiyo wixii qabsoomay 22 sano kadib iyo wixii laga gaabiyay iyo ahdaafta inoo harsan”

Ganacsade Jaamac Dhegadheere ayaa soo jeediyay in dowladda federaalka iyo Puntland ka heshiiyaan khilaafka u dhexeeya

“”Dawladda Federaalka iyo Puntland waxaan ugu baaqaynaa in ay wada hadlaan, wada doodaan khilaafkoodana ha dhammaystaan. dastuurku wuxuu noqday mashruuc aan dhammaan. waana u lama huraan geeddisocodka dawlanimada Soomaaliyeed, Federaalka hirgeliya ayaan leennahay”

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *