Dagaal dhexmaray Taliban iyo Ciidamada Afghanistan

Published: March 18, 2020

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Afgaanistaan iyo qaar ka tirsan maleeshiyaadka Taalibaan ayaa ku dhintay Dagaal fool-ka-fool ah oo ku dhexmaray gobolka waqooyiga ku yaal ee Balkh.

Ajmal Fayez oo aha afhayeenka maamulka gobolka Balkh ayaa sheegay in dagaalka oo dhacay shalay uu sababay in la xiro wadada weyn ee isku xirto gobolka iyo dalka intiisa kale, waxaa kaloo uu sheegay in labo askari oo kale lagu dilay weerar kale oo ka dhacay gobolka oo ay soo qaadeen Taalibaan.

Heshiiskii 29 Febraayo dhexmaray Maraykanka iyo Taalibaan ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ahaa in Ururku uu joojiyo ama hoos u dhigo qalaalsaha iyo dagaalada uu ku qaadayo ciidamada Maraykanka iyo kuwa Afganistan, sidoo kale dowladda ayaa ogolaatay dalabkii Talibaan oo ahaa in la sii daayo maxaabiista u xiran dowladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *