Yemen: 80 Maleeshiyaadka Xuutiyiin ah oo la Dilay

Published: March 18, 2020

Dagaalo iyo duqaymo ka dhacay wadanka Yemen ayaa waxaa lagu dilay 80 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka ururka Xuutiyiinta dalkaasi Yemen sida lagu sheegay war-saxafadeed ay soo saartay dowladda Yemen.

Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in Lixdan Dagaalayan oo xuutiyiin ah lagu dilay dagaalo ka dhacay Gobolka Al Bayda, Halka 20 kale oo xuutiyiin ah lagu dilay weerarka cirka ah oo diyaaradaha Xulafada Sucuudigu ku qaadeen degmada Survah ee gobolka Ma’rib ee Yemen.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay inay soo riday diyaarad nooca Dronka oo ay leeyihiin kooxda Xuutiyiyiinta.

Dalka Yemen waxaa ka taagnaa ilaa Sanadkii 2014kii dagaalo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed, Magaaladda Sanca ee caasimada waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta, halka Magaalada Cadan ay xarun u tahay dowladda Yemen.

Dagaalka Yemen wuxuu sii xoogaystay markii ay ay soo galeen xulafada Sucuudiga oo gacan siinayay dowladda Yemen ee sharciga ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *