Yurubiyaan Loo Diiday Inay Galaan Kenya

Published: March 18, 2020

Saraakiisha laanta socdaalka ee Kenya ayaa iska hortaagay Labo muwaadin oo u dhashay dalka Talyaaniga inay galaan wadanka Kenya Cabsi la qabo cudurka coronavirus inuu sii fido.

Labadan qof oo lagu kala magacaabo Marbeillo Fransisco iyo Marbiello Maurice ayaa saarnaa diyaarada Ethiopian Airways oo ka timid magaalada Adis-ababa una socotay magaaladda Nairobi, Diyaarada ayaa siday 70 qof oo rakaab ah.

Saraakiisha Laanta socdaalka ayaa ogolaaday inay diyaaradu dejiso rakaabkii saarnaa, hase yeeshee waxay diyaarada dib ugu celiyeen labadii muwaadin ee u dhashay dalka Talyaaniga.

Diyaarada ayaa dib u laabatay iyadoo ay saaran yihiin labadaas oo qof oo ahaa Aabe iyo Wiilkiisa.

Dowladda Kenya ayaa jimcihii soo saartay amar ah in diyaaradaha ka imaanaya dalka Talyaaniga ay ka degaan gegida diyaaradaha Mombasa iyo Malinda, halka markii hore ay ka degi jireen garoonka Jomo Kenyata ee Nairobi.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa si ba’an ugu faafay cudurka Coronavirus, waxaa uu cudurkaas u dhintay ilaa 2500 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *