Aas Qaran oo Loo Sameeyay Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool

Published: March 19, 2020

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa Aas qaran loogu sameeyey Alle ha u naxariistee taliyihii sirdoonk ee gobolka Soo C/qani Maxcamed Xasan (C/qani Guhaad).

waxa Aaska marxuumka ka qayb galay maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood saraakiisha laamaha amniga, madax dhaqameed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo Aaska ka hadlay ayaa ayaa sheegay inay cidii ka dambaysay dilka taliyaha sharciga la horkeeni doono, ayna ka shaqaynayaan sidii loo soo qaban lahaa cidii falkaas geysatay.

Taliyaha ayaa lagu dilay magaaladda Laascaanood 17 Bishan Maarso, iyadoo horena magaaladaasi loogu dilay guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *