Liiska Xildhibaanada cusub ee Koofur Galbeed oo la soo saaray

Published: March 19, 2020

Guddiga Farsamada Madaxa Banaan ee soo xulsita Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa shaaciyay Liiska Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed kuwaas oo bedeli doona xildhibaanadii hore.

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Koofur Galbeed ayaa tira ahaan dhan 95 Xildhibaan, Liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ahaa mid kuraasta loogu kala qeybiyay beelaha, gaar ahaan habka awood qeybsiga ee 4.5.

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa ku jira Amb. Cali Saciid Faqi oo ahaa Danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yurub.

Amb. Cali Faqi ayaa loo wadaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaana dad badan saadaalinayaan in sababta uu uga mid noqday Baarlamaanka Koofur Galbeed ahay inuu damac uga jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *