Madaxweyne Deni oo markii ugu horaysay doorashadiisa ka dib Tagaya Muqdisho.

Published: March 19, 2020

Siciid Cabdulaahi Deni Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in uu tagayo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, Deni ayaa hadalkaan ka jeediyay Shirka Golaha wasiirada sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa ku xusay in uu booqan-doono Caasimadaha Dowlad goboleedyada dalka, waxa uuna sheegay in uu kulamo lasoo qaadan-doono madaxda dawlada-goboleedyadda.

Madaxweyne Deni ayaan si rasmi ah u shaacin waqtiga uu baxayo, balse Horseed Media waxay si dhaw ula socotay shirar 2dii maalin ee lasoo dhaafay u socday Madaxdii ka socotay DFS iyo kuwa puntland, ka dib dhamaadkii shirka wada-tashigga Puntland.

Qaar ka mid ah Wasiirada DFS ayaa madaxweynaha Puntland ka codsaday in uu u-raaco Muqdisho lana kulmo madaxda ugu saray DFS si loo dhiraan-dhiriyo khilaafaadka u dhaxeeya labada dhinac.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka wada-tashigga Puntland ayaa si kulul loogu dhaliilay hogaanka DFS, waxaa lagu eedeeyay in ay faragelin ku sameeyeen doorashooyinkii Koonfur-Galbeed iyo Galmudug, sidoo kalena DFS ayaa la sheegay in ay ciidamo gaystay Gobolka Gedo halkaas oo uu dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jublanad iyo DFS uu ka dhacay, Puntland sidoo kale waxay kasoo horjeesatay sharciyadda doorashada iyo Shidaalka oo labada baarlamaan ay ansixiyeen.

Safarka Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa jawaab u ah culays siyaasadeed oo maalmihii danbe ay saarayeen xubnaha Puntland ku matala Golayaasha DFS taas oo la xiriirtay sidii xal waara looga gaari lahaa arimaha siyaasada iyo is-fahan-waaga u dhaxeeya Puntland iyo DFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *