Kenya oo Sheegtay Inay dileen 12 ka tirsanaa Al-Shabaab

Published: March 20, 2020

Ciidanka Millatariga Kenya ayaa sheegay in ay Shalay dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen, markii ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Korisa iyo Bargoni oo ka tirsan Gobol Xeebeedka Lamu.

John Elungata, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in xubnaha ladilay uu ka mid ahaa Sarkaal caan ah oo kasoo jeeda Gobolka Xeebta,  kaas oo taageero, warbixinno iyo taakuleynba siinayay Argagixisada ku dhuumaaleysata kaymaha Boni.

Mr;Elungata ayaa sidoo kale sheegay in ay kooxda Al-Shabaab halkaasi uga carareen Saddex qori oo nooca AK-47 ah, Rasaas fara badan, Biyo iyo agab kale oo ay isticmaalayeen Alshabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *