Maraykanka iyo Canada oo xadka kala xirtay cabsi laga qabo Carona-Virus.

Published: March 20, 2020

Gelinkii danbe ee xalay waxaa si rasmi ah u dhaqan galay heshiis kama dambays ahaa oo ay wada gaareen Dowladaha dersiaka ah ee Maraykanka iyo Kanada, kaas oo ay xadka ku kala xiranayaan Labada Dal si looga hortago faafintaanka cudurka Carona-Virus.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump iyo Ra’iisulwasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa dhowaan isla go’aansaday in la xiro xuduudda si loo yareeyo dhaq-dhaqaada Dadka iyadoo laga qabsi qabo faafidda in uu si aad ah u faafo cudurka Coronovirus.

Mr; Trudeau ayaa sheegay in shirkadaha Gaagiidka ee isaga kala goosha Labada Dal ay ka caawin doonaan soo daabulista Dadka kanadiyaanka ah ee ku go’doonsan gudaha Maraykanka si ay Guryahooda ugu soo laabtaan.

Madaxa Caafimaadka Caafimaadka ee Dalka Kanada , Theresa Tam ayaa sheegtay in ay baaritaanno ku sameeyeen 55,000 Qof, iyadoo calaamadaha cudurka laga helay 800, halka 12 kalana ay u geeriyoodeen.

Xadka Labada Dal ayaa la sheegay in caadiyan ay Maalin walba isaga gooshi jireen Dad ka badan 200,000 Qof, waxaana haatan istaagaya dhammaan isu socodkii Dadka ee halkaasi ka jiray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *