Soomaaliya Ma u Diyaar Garowdey Coronavirus (COVID-19)? – Faallo

Published: March 21, 2020

Fayraska Karoona ama COVID-19 ayaa caalamka faro ba’an ku haya, waxaa u dhintey kumaankun qof, waxaa kala xirmey caalamka intiisa badan, waxaana ku cayroobey shirkado waaweyn oo caalamka ka jirey, waxaa hoos u dhacay wax-soosaarkii wershadaha, dowladaha waaweyn ee caalamka si weyn ugu mashquulsan sidii ay isu badbaadin lahaayeen, dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaan.

In badan oo ka mid ah dalalka cudurkan laga heley, gaar ahaan dalalka Yurub ayaa dadkooda kula taliyey in guryahooda soo xirtaan oo joogaan ilaa amar danbe, waxaa la fasaxay Iskoolada, waxaa la xirey goobaha adeega bulshada bixiya iyo kuwa la isugu yimaado, sababta ugu weyn ee arrintan loo sameynaayo ayaa ah, si looga hortago in cudurku si deg-deg ah kumanaan kun qof ugu fido, taas oo keenaysa in aan la heli karin isbitaalo dadkaas la dhigo iyo dhakhaatiir la tacaasha, sidaas darteed in guryaha lagu sugnaado waxay yareyneysaa in cudurku ku dhaco dad badan, taas oo fududeyneysa in laamaha caafimaadku ay la tacaalaan dadka uu soo ritey cudurkan, Si loo xadido cudurka Karona Fayras waxaa dalalkaani xirteen xuduudihii dalalka kale kala ay la wadaageen.

Qaar kamid ah dalalka horumarey ee caalamka ayaa meel mariyey Balaayiin dollar oo lagu badbaaadinaayo shirkadaha yaryar iyo kuwa waaweyn, Bangiyada iyo saameynta shaqo la’aanta ee ka dhalatey COVID-19.

Soomaaliya iyo COVID-19

Soomaaliya waa dal sabool ah, waxyaabaha nolosha bini’aadamka muhimka u ah, 80% waxaa laga keenaa dalal shisheeye, in badan oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed waxay ku nool yihiin lacagaha dibadaha looga soo diro ee Xawaaladaha, abaarihii iska soo daba noqdey waxay yareeyeen xoolaha Soomaalidu dhaqato, waxaana burbur qarka u saaran dhaqankii miyiga ee in badan dhaqaalaha Soomaalidu ku taagnaa.

Waxaan shaki ku jirin in cudurkaan uu ka bilowdey dalka Shiinaha si deg-deg ahna ku gaarey dalal badan oo caalamka kamid ah, isu soo dhawaanshaha dalalka caalamku waxa uu fududeeyey in waxkasta si fudud la isugu gudbin karo. Waxaa la aaminsan yahay in cudurkan uu saameyn dhaqaale, caafimaad iyo mid siyaasadeedba uu ku yeelanayo Soomaaliya, haddii uu daba dheeraado.

Lacagaha Xawaaladaha

Meelaha cudurka COVID-19 uu saameyntu ku yeelan karo waxaa kamid ah lacaga dibadaha laga diri jirey.

  • Dad badan oo ku nool dalalka horumaray kuwaas oo haystey shaqooyin iyo ganacsi, waxaa saameyn ku yeeshay cudurka Karona Fayras, kaas oo sababey shaqo la’aan baaxad weyn, waxaana adkaan doonta in ay awood u yeeshaan in ay dalka dibadiisa dhaqaale u diraan.
  • Shirkadaha xawaaladaha waxaa muddo dheer dhibaato ka haysatey in ay lacagaha marsiiyaan bangiyada caalamiga ah kuwaas oo joojiyey, kadib waxay bilaabeen in lacagta iyada oo Caddaan ah (Cash) lagu qaado Boorsooyin lana geeyo dalka Imaaraadka Carabta. arrintan ayaa ahayd daaqad yar oo Xawaaladuhu ku sii noolaan kareen, waxaana hubaal ah in xanibaada safarada iyo socdaalku uu saameyn ku yeelanayo in lacagta adag ee la qaadi jirery ay sii socoto.
    Arrinta labaad ayaa ah dalalka horumaray waxay maanta la tacaalayaan sidii ay dhaqaalahooda ku badbaadin lahaayeen, waxaana fudud in ay soo saaraan amar sharci darro ka dhigaya in lacagahaas boorsooyin lagu qaado.

Arrimahan waxay saameyn ku yeelan karaan nolosha boqolaalkun oo qoys oo Soomaaliyeed kuwaas oo laga biili jirey dibadaha. Sidoo kale waxay saameyn ku yeelanaysaa lacagta adag ee gudaha Soomaaliya laga heli jirey, Gudaha Soomaaliya waxaa wax lagu kala gataa lacagta Dollarka, taas oo haddii arrimahaani dhacaan dalka ku yaraaneysa, iyada oo ay horey u dabar go’day lacagtii Shilin Soomaaliga.

Nolosha daruuriga ah.

Inkasta oo dalalka reer Galbeedku haystaan keyd ku filan ayaa argagaxa cudurkaani sababey in dukaamo waaweyn faaruq noqdaan, kadib markii dadku isku jiireen iibsashada cunnooyinka daruuriga ah, haddaba waxaa hoos u dhici doonta waxyaabaha daruuriga ah ee dalalka horumaray ay dibadda u dhoofin jireen, waxaana culeys uu fuuley dhamaan shirkadaha wax soo saarka.

Ganacsatada Soomaalidu waxay dhoofin jireen xoolaha nool, beeyada, kaluunka iyo waxyaabo kale muddo dheer ma jirin ganacsi isu dhigma sida dhoofka iyo soo dejinta waxaana 70% hoos u dhacay wax dhoofinta, ganacsiga Soomaaliya badankiis ayaa ku taagnaa lacago adag oo alaabo lagu soo beddesho.

Haddii cudurka COVID-19 daba dheeraado ama uu saameyn ku yeesho dalalka Soomaaliya ugu dhaw ee ay kala timaado waxyaabaha nolosha daruuriga u ah waxaa dhacaya cunno yaraan ba’an taas oo sababi karta in dadku gaajo u dhintaan.

Soomaalidii hore waxay soo mareen xiliyo ka adag kuwa hadda jira, laakiin waxaa Ilaahay ku badbaadiyey xoolaha nool ee ay dhaqan jireen gaar ahaan GEELA oo ahaa midka ugu qiimaha sareeya xiliyadaas.

Ugu danbeyntii waxaa inala gudboon in saameynta Koroona Fayras loo diyaar garoobo wax badana la iska weydiiyo, sida lagu maareynayo, ma ahan diyaar garowgu keliya in Iskuulada la fasaxo, ama lagu naaloodo kuleyka kuma noolaan karo, waxaa loo baahan yahay in la yaqaan dawooyinka la haysto, keydka cunnada, iyo keydka lacagta adag ee la haysto, in hormarin ballaaran lagu sameeyo hadda kadib saddexda arrimood ee lagu badbaadi karo xiliyada adag kuwaas oo ah wax soosaarka beeraheena, xoolaha nool iyo malayga.

Qore: Ismail Haji Said

aumusse@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *