Iran: Dad u Geeriyooday Khamri ay Kaga Hortegayeen Cudurka Coronovirus

Published: March 22, 2020

Wakaalada wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegay in 194 qof ay u geeriyoodeen ka dib markii ay ku sumoobeeen Khamri ay cabeen oo ay doonayeen inay kaga hortegaan ama isaga daaweyaan Cudurka coronavirus.

Ilaa 1000 qof oo kale ayaa ku sumoobay khamriga oo loo yaqaan Bootleg , dadkan ayaa haatan lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad. Dowladda Iiraan ayaa xirtay 17 qof oo lagu tuhunsan yahay inay sameeyeen oo iibinayeen khamriga lagu sumoobay

Ali Ehsanpour oo ah afhayeenka Kuliyada caafimaadka ee Jaamacada Ahwaz ayaa u sheegay Wakaalada IRNA inay dadka cabay khamriga ay aaminsanaayeen inuu ka daaweyndoono cudurka Coronavirus.

Dalka Iiraan waxaa ka mamnuuc ah samaynta, Iibinta iyo cabida khamriga, waxaana mutaysan karaa qofka lagu qabto xarig ama ila jaldaado.

Wadanka Iiraan waxaa aad u saameeyeen Coronavirus. Tirada dadka u dhintay cudurka ayaa hadda kor u dhaafay 1550 qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *