Madaxweynaha Puntland oo sheegay in dib loo bilaabi doono dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacayo.

Published: March 22, 2020

Saciid Cabdilaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo uu dib u bilaaban doono, Deni waxa uu sheegay in la saxay dhamaan waxyaabihii keenay in mashruucaan uu dib u dhaco, dawladuna ay ku dadaashay sidii dib loogu soo celin lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashuuca laga wareejiyay hay’adda jarmalka ahayd ee GIZ , waxa uuna tilmaamey in booskeedii lagu beddelay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS.

5-September 2018 qoraal ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay  in la joojiyay mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkii  2019, ayay  mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay in dib loo soo celinayo  mashruucaas.

Wadada Garoowe iyo Gaalkacayo ayaa waxaa soo gaaray burbur baahsan, dadka iyo gaadiidka ku safra ayaana dhib wayn ku qaba. waxayna tira dhawr jeer dawladihii Puntland ka codsadeen in wax laga qaboto.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *